Qaraxyada Iyo Farsamooyinka Cusub

Somalia news

Waxaa hoose u dhac weyn ku yimid Amaanka Magaalada, iyadoo Isbaarooyinka Shacbiga lagu dhibo ay yaalaan muddo 3-sano ah, ayaa waxaa si aan hore loo arag ku soo kordhay Magaalada Qaraxyada miinooyinka meelaha dhow laga Hago,, iyadoo lagu bartilmaameedsado Mas’uuliyiinta Dowladda, Shaqsiyaadka gaara ah iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan….

Miinooyinkaan ayaa u muuqada kuwo ka awood iyo tayo Wanaagsan kuwii ay horey u isticmaali jireen Kooxaha argagixisada Shababka, Qaraxyada ayaa si toos ah u qabsada Gaadiidka loogu talo galo, inkastoo khasaaraha ay dhaliyaan uu ka yar yahay kuwii ka horeeyay, iyadoo ay ka badbaadaan dadka la bartilmaameedsado.

Ilo wareedyo loo qaateen ah ah Ayaa Warsidaha Diinah.com news u sheegay in Noocyadaan cusub Ee Qaraxyada ay u muuqdaan kuwo lagu farsameeyay Dalka Iiraan isla markaasna laga isticnaalo Dalka Yemen, Waxaana la sheegay in Kooxaha argagixisada Shababka Iyo Daacishta ay deeqdaan ka heleen Kooxda Xuutiyiinta Yemen, iyadoo doonto Kaluumeysiga ay soo gaarsiiyeen Xeebaha Puntland iyo Duleedka Magaalada Mogadishu.

93820cookie-checkQaraxyada Iyo Farsamooyinka Cusub