Shabakad Ka Ganacsata Tahriibka Dhalinyarada Oo La Qabtay

Somalia news

Wararka hordhaca ah ee laga helayaa Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari (Puntland) ayaa sheegaya in Xoogaga Amaanka Magaalada Oo Howlgal fuliyay ay u suurto gashay iney gacanta ku dhigaan Koox isku xiran oo ka macaashi jirtay tahriibinta Dhalinyarada Soomaaliyeed…

Saraakiisha Laamaha Amniga Puntland ayaa sida la sheegayo gacanta ku dhigay Horjoogihii shabakaddaasi iyo xubno la socday xilli ay doonayeen in ay Dhalinyaro ka daabulaan gudaha Magaalada Boosaaso, iyagoo duleedka Magaalada ka saara doonyo diyaarsan.

Wararku waxay intaas ku darayaan in Xoogaga Amaanka ee Maamulka Gobolka ay la wareegeen Doonyo iyo Gaadiid kale oo kooxdaas ku daabuli jireen dhalinyarada, si loogu tahriibiyo ilaa la gaarsiiyo ma-gafayaal ku sugan Yemen iyo Liibiya, Dhalinyarada Tahriibka ayaa inta badan ka yimaada Gobolada Konfurta Dalka iyo Ethiopia.

160770cookie-checkShabakad Ka Ganacsata Tahriibka Dhalinyarada Oo La Qabtay