Ciidamada Gadooday Oo Qabsaday intii Badneyd Waqooyiga Mogadishu

Somalia news

Degdeg:-Macluumaad dheeraad ah laga soo Sheegaya Ciidamada Dowladda iyo kuwii Macwesleyda Ee ka soo galay degaano ka tirsan Gobolka Shabeelada dhexe ayaa sheegay iney gudaha u soo galeen Magaalada Mogadishu, iyagoo hub ka dhigis ku Sameeyay Ciidamada Boliiska…

Ilo wareedkaan Ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijiyay in Ciidamadaan soo galay Magaalada ayaa xalay degaanka Sheekh Cali Cabdulle Ciidankii Haramcad Ee Boliiska ka qaateen 35-qori oo Ak-47, Bkm iyo Baasuka, waxeyna u soo gudbeen Gudaha Magaalada iyagoo xiligaan la sheegay iney la wareegeen yihiin isgoysyada Beexaani, Fagax iyo Sanca.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Boliiska lagu amray iney Saldhigyadooda ku laabtaan oo aysan ka soo bixin. Xiligaan Ayaa la sheegay iney Xaalada Magaalada Mogadishu Amaankeeda isbedel ku yimid, iyagoo Ciidamada Madaxtooyada ay isku koobeen agagaarka Xaruntaasi.

113960cookie-checkCiidamada Gadooday Oo Qabsaday intii Badneyd Waqooyiga Mogadishu