Guudlaawe Oo Ku Gacan Seyray Culeysyo Villa Somalia Kaga Yimid

Somalia news

Sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo loo qaateen ah, Madaxweynaha Maamulka HirShabeelle Cali Guudlaawe ayaa la filayaa inuu liiska Musharaxiinta Aqalka Sare kusoo daro Senator Muuse Suudi Yalaxow, kadib markii uu iska caabiyey cadaadisyo xooggan…

Wararka hordhaca ah ayaa sheegay in Mr.Guudlaawe uu ku diiday dalab kaga yimid Farmaajo iyo Fahad, oo ku aadana in liiska laga saaro Xaaji Muuse, oo ka mid ah Siyaasiyiinta sida weyn uga soo horjeeda, islamarkaana ka mid ah Hoggaamiyeyaashii Aadanaha u dhaliila Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo.

“Lagama yaabo in Al-Xaaji Muuse Suudi iyo xubin kasta oo maqaam ku dhex leh Beelaha Mudulood aan ka reebo liiska,” waxaa sidaas xaqiijiyey Cali Guudlaawe, wuxuuna intaasi raaciyay in Sidoo kale uu diiday in Liiska tartanka lagu daro Xubno ay wadato Villa Somalia.

Wararka Ayaa intaasi raacinaaya in liiska lagu soo dari doono Senator Dr. Cusmaan Maxamuud Dufle iyo Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan, oo ka mid ah Senatorada beesha Mudulood, Dhaqanka beesha Mudulood oo aad u xooggan, iyo magaca ay siyaasiyiinta ku leeyihiin beesha dhexdeeda ayaa la rumeysan yahay in darteed uu madaxweyne Guudlaawe u diiday inuu u hoggaansamo cadaadiska Villa Somalia.

136700cookie-checkGuudlaawe Oo Ku Gacan Seyray Culeysyo Villa Somalia Kaga Yimid