Galmudug Oo Digniino Ka Soo Saartay Isbaarada Wadooyinka

Somalia news

Qoraal ay soo saartay Wasaarada Amniga Dowlad Gobaleedka Galmudug ayaa digniino adag loogu jeediyay kooxaha caadeystay iney Jid-gooyooyin dhigtaan wadooyinka, isla markaasna ku dhibaateeya Gaadiidka Ganacsiga degaanada hoos yimaado Degmada Caabudwaaq iyo nawaaxigeeda…

Wasaarada amniga ayaa Laamaha Smniga ku amartay Iney talaabo sharciga waafarsan laga qaado kooxaha caadeystay iney dhigtaan jidgooyooyinka Ee dhibaataynaayo Gadiidka Ganacsiga iyo Dadka Rayidka Ee Socotada ah.

Warka kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in aan la aqbalin doonin Dadka shacabka ah lagu dhibaateeyo wadooyinka ku yaalla agagaarka  degmada Caabudwaaq.

136660cookie-checkGalmudug Oo Digniino Ka Soo Saartay Isbaarada Wadooyinka