Ma Dhabaa in Madaxweynaha Somalia Uu Booqanaayo Dalka Ethiopia Dhowaan..

Somalia news

Macluumaad hordhac ah ayaa laga helayaa kulan ay yeesheen Wasiirada Arrimaha Dibeda ee Ethiopia iyo Somalia, kaasoo ka dhacay magaalada New york ee USA, Labada Mas’uul waxay kulankooda kaga wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii la isaga kaashan lahaa la dagaalanka Maleeshiyaadka kooxda Shabaabka..

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u sheegtay in Maamulada Addis abeba iyo Mogadishu ay isla meel dhigeen in Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh uu booqasho labo maalin ah ku tegi doono magaalada Addis abeba, wuxuuna kulmo la yeelan doonaa Wasiirka 1-aad ee Ethiopia Abiy Axmed oo ay horey 3 jeer booqashada la qorsheeyay aysan suurto gelin.

Waxaana lagu wadaa in 28-29ka bishan uu safar shaqo uu Madaxweynaha Somalia iyo Wafdigiisa ku tagaan magaalada Addis Ababa, inkastoo weli aan laga heshiin qodobo dhowr ah oo xasaasi ah una baahan in la xaliyo ka hor mudada la cayimay.

Maamulka Abiy ee Addis abeba ayaa saluug siyaasadeed ka muujisay xiriirka Dawladda Federaalka ay la yeelatay Dalka Masar, waxeyna Warbaahinteedu dhowaan siideysay warbixino dhaleceyn xoogan xambaarsan, iyagoo ku eedeeyay Xubno ku dhow Madaxweynaha Somalia ay xumeynayaan xiriirka labada Dal, wallow war kasoo baxay markii dambe Wasaaradda Arrimaha Dibedda raalli-gelin looga bixiyay warbixinta.

215170cookie-checkMa Dhabaa in Madaxweynaha Somalia Uu Booqanaayo Dalka Ethiopia Dhowaan..