Guudlaawe Oo Midowga M. Gudbiyay Codsi Uu Ka Keenay Farmaajo

Somalia news

Wararka hordhaca ee naga soo gaaray Degmada Kaaraan ayaa sheegaya Madaxweynayaashi hore ee dalka, Madaxweynaha Hirshabelle, Musharax Madaxweyne C/qaadir Cosoble iyo Senator Muuse Suudi oo ku kulmay hoyga Xasan Sheekh ee Mirinaayada, kuwaasoo ka wada hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka, dhaqdhaqaaqyada Ciidamo Ee ka socda Caasimadda Muqdisho iyo arrinta muddo kordhinta….

Xogtaan Ayaa tilmaamtay in Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe uu gaarsiiyay Madaxweynayaashii hore farriin uu ka waday Farmaajo kaasoo ahaa codsi ku saabsan inuu la kulmo Midowga Musharraxiinta, si ay uga wada hadlaan xaalada taagan.

Qaar ka mid ah Musharaxiinta oo durba warkaan gaaray ayaa laga soo xigtay in aysan aqbaleyn kulanka Farmaajo uu dalbaday, Caawa ayaa la filayaa in Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabelle ay wadajir dalabkaas ugu gudbiyaan Musharaxiinta.

111850cookie-checkGuudlaawe Oo Midowga M. Gudbiyay Codsi Uu Ka Keenay Farmaajo