Hogaanka ATMIS Oo Dareen Ka Muujiyay Hoos u Dhaca Maalgelinta Howlgalada Taasoo Dhibaato ku ah Qorshaha kala guurka ee Somalia

Somalia news

Hawlgalka Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Somalia (Atmis) ayaa soo wajahday cabsi hor leh oo laga qabo in ay dib u dhacaan jaangooyooyinkii muhiimka ahaa ee ay Beesha Caalamku dib u cusboonaysiisay joogitaankooda Somalia si ay u dhamaystiraan xoojinta Amaanka iyo Xasilloonida…

Todobaadkaan, Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (AUPSC) ayaa sheegay inkastoo howlgalka ATMIS uu hagaajiyay weerarrada ka dhanka ah kooxaha xagjirka ah iyo xasilinta Amniga guud ee Dalka, haddana waxaa jira calaamado qaar ka mid ah tilaabooyinka muhiimka ah ee soo socda laga yaabo inay dib u dhac ku keenaan Qorshaha Duulaanka.

15-ka xubnood ee AU-da, oo wax ka qabta dhibaatooyinka Nabadda iyo Amniga ee Qaarada, ayaa sheegay in dhaqaale yari ay u badan tahay iney ka horjoogsadaan qorshaha Howlgalka, oo ah arrin khatar ku ah ciidamada Amniga ee Somalia.

Goluhu “wuxuu muujinayaa welwelka qoto dheer ee ku saabsan maalgelin la’aanta, aan la sii wadi karin iyo maalgelinta aan la saadaalin karin ee ATMIS, oo ay ku jiraan maalgelin la’aanta weyn, taas oo weli sii socota,” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka shirkii 1143aad ee Addis Ababa. Kulanka ayaa dhab ahaantii la qabtay 7-dii Maarso, laakiin diritaanka ayaa la shaaciyay kaliya toddobaadkan Talaadadii.

250370cookie-checkHogaanka ATMIS Oo Dareen Ka Muujiyay Hoos u Dhaca Maalgelinta Howlgalada Taasoo Dhibaato ku ah Qorshaha kala guurka ee Somalia
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com