Turkiga & Somalia oo Kala saxiixday Heshiis shidaal baaris ah..

Somalia news

Turkiga iyo Somalia ayaa kala saxiixday heshiis shidaal baaris iyo qodis ah, kaasoo sii xoojinaya xiriirka labada dal ka dib markii ay soo gabagabeeyeen heshiiska difaaca bishii hore, Heshiisku wuxuu xooginayaa baarista Kaydka Shidaal ee Dhulka iyo xeebaha Dalka ee aagga dhaqaale ee gaarka ah..

Heshiiskaan ayaa lagu tilmaamay mid aan la samayn tan iyo burburkii dawladdii dhexe ee Dalka horraantii 1990-dii, iyadoo sidoo kale (Heshiiska) uu ka mid ah sahaminta dhulka iyo Xeebaha, Dalka Turkiga ayaa sanado badan khibrad u leh sahaminta tamarta Badda tan iyo markii uu gaaska ka helay Badda madow 2020. Ankara ayaa hadda horumarinaysa gaasta oo ku shubaysa shabakadeeda maxalliga ah si ay u isticmaasho gudaha.

Khabiir ku xeel dheer arrimaha shidaalka ayaa qiimeeyay in Turkigu uu ku bixin doono ilaa 500-Millions US$ si loo soo gabagabeeyo sahminta iyo ku guuleysiga howlgalka qodista biyaha Somalia iyo horumarinta gaaska ama shidaalka ay ku kacayso ugu yaraan dhowr bilyan oo US$.

313040cookie-checkTurkiga & Somalia oo Kala saxiixday Heshiis shidaal baaris ah..