Wararkii ugu Dambeeyay Dagaalkii Ka Dhacay Degaanka Aato ee Gobolka Bakool

Africa News Somalia news

Warar is khilaafsan ayaa laga helayaa dagaal xoogan oo shalay ka dhacay degaanka Aato oo ka tirsan Gobolka Bakool, iyadoo dagaalkaasi oo u dhaxeeyay Ciidamada Liyuu iyo Maleeshiyaad ka tirsan kooxda Shababka kaasoo dhaliyay Khasaare isugu jira Dhimasho iyo dhaawac..

Warar ay faafiyeen Warbaahinta Dowladda Ethiopia ayaa lagu sheegay in saddex ka mida Horjoogayaal Ururka Shabaab lagu dilay dagaalkii deegaanka Aato ka dhacay, Jimcihii, waxey ku sheegeen magacyadooda, Fu’aad Maxamed Khalaf (Fu’aad Shangole), Madaxii Dacwada Al Shabaab, Cabdicasiis Abuu Muscab, Afhayeenkii Hawlgalada Shabaabka iyo Cubeyda Nuur Ciise, oo kooxda u qaabilsan abaabulka dhinaca xuduudda Ethiopia iyo Gobolka Bakool.

Horjooge Cabdicasiis Abuu Muscab oo xalay la hadlay Idaacadda Andalus ayaa faahfaahiyay weerarka ay ku qaadeen xerada Ciidanka Liyuu Boliiska ee deegaanka Aato, Abuu Muscab ma soo hadalqaadin warka ka soo baxay Ethiopia ee lagu sheegay in dagaalkaasi lagu dilay xubno uu isagu ka mid ahaa.

Horjooge Fu’aad Shangole ayaa maalmahaan ku sugnaa Aaga dagaalada ka dhaceen, wararkuna sheegern in Dilkiisa loo adeegsaday Drones-ka, waxaana lagu tilmaamaa ninka 3aad ee haatan ugu awoodda badan Kooxdaan, marka laga soo taggo Hogejoogaha Kooxda, Axmed Cumar (Abuu Cubeyda) iyo Kuxigeenkiisa Mahad Warsame Qaley (Mahad Karataay).

204350cookie-checkWararkii ugu Dambeeyay Dagaalkii Ka Dhacay Degaanka Aato ee Gobolka Bakool
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com