Waa Kuma Sarkaalkii Soo Afjaray Shabakadii Shababka Gaalkacyo

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Sarakaalkii Maamulada Puntland iyo Galmudug gacan weyn ka siiyay Baarista iyo soo af-jarida Unugyada Kooxaha Argagixisada Shababka iyo Isis (Garabka Somalia) ku lahaayeen Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug..

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in S/Guuto Cumar Cabdi Cilmi Oo Ka mid ahaa Saraakiishii Baarista Boliiska Ee Xiligii Kacaanka isla markaasna ku takhasusay Baarista Dembiyada iyo Diyaarinta Dacwadaha, xiliyadaan dambe wuxuu Sarkaalkaan muddo ka soo shaqeeyay Hey’addaha CID iyo NISA intii ay Dalka maamulayeen Maamulada hayeen Xasan Sheekh & Farmaajo.

Sareeyahaan (Cumar Bile) ayaa muddo ku noolaa magaalada Gaalkacyo, wuxuuna dhamaadkii sanadkii 2020 uu kasoo muuqday saraakiil loo soo xulay howlgalkii la-dagaalanka Argagixisada ee ka bilowday Gaalkacyo, kaddib magacaabistii Taliyaha Qeybta Boliiska Gobalka Mudug G/Sare Muumin Cabdi Shire.

Ilo wareedyo ayaa Warsidahaan u xaqiijiyay in Sarkaalkan uu ahaa laf-dhabarta howlgalka soo afjarida Unugyada Kooxaha Argagixisada ee ka howlgalaayay magaalada Gaalkacyo, isagoo si gaar ah uga shaqeeyay fashilinta shabakadihii ugu wey weynaa ee Argagixisada Shabaabka uga howlgalaya Gaalkacyo, kaddib qabashadii dhalinyaro markaa kooxda ku biirtay.

Madaxweyne Deni oo bilo ka hore ka hadlayay xaflad lagu abaal-marinayay Saraakiishii gacanta weyn ku lahaa howlgalka la-dagaalanka Argagixisada ee Gobolka Mudug, ayaa si gaar ah ugu amaanay S/Guuto Cumar Bile dadaalkiisii naf hurnimada lahaa ee uu ka sameeyay Gaalkacyo, isagoo xilligaas si hoose ugu ballanqaaday in loo magacaabi doono Hoggaanka Dambi-baarista Boliiska Puntland.

150110cookie-checkWaa Kuma Sarkaalkii Soo Afjaray Shabakadii Shababka Gaalkacyo