Share the post "Halista Caafimaad Ee Kimikooyika Ku Jira Maacuunta Aynu Wax Ku Karsano Iyo Dharka"
Weligaa ma isweydiisay sababta aysan cuntada ugu dhegin digsiga, sababta dufanka uusan uga soo bixin mikrowave-ka, ama sababta aysan biyaha u qoynin noocyo ka mid ah jaakadaadaha?, Waa kiimikooyin macmal ah oo laga yaabo in ay ku jiraan qalabkan guriyaha aan ku isticmaalno sida maacuunta…
Kimikooyinkan waxay ku jiraan waxyaabo kala duwan sida maacuunta aan guriyaha ku isticmaalno iyo xitaa dharka, Laakiin kiimikooyinkan hadda waa laga garanayaa meelo ka mid ah adduunka, waxaana laga ciribtiray isticmaalkooda.
Kooxda kiimikooyinka loo yaqaan “PFAS” (walxaha Poly -iyo polyfluoroalkyl) waa weyn yihiin, Waxaa jiro illaa in ka badan 4,700 oo nooc oo kiimiko ah oo laga sameeyay aalada lagu magacaabo fluorine.
Inta badan waxaa loo yaqaan “kiimikooyinka joogtada ah”, sababtana waa in ay ku dhegan yihiin qeybta kore ee alaabada. Kiimikooyinkan waxaa laga helay biyaha la cabbo, busta iyo xitaa nidaamka wareegga dhiigga aadanaha.
Dhibaaada caafimaad
Kiimikooyinkan oo laga helay badeecooyin iyo alaabo kala duwan; laga bilaabo warshadah soo saara cuntada, kuwa la isku qurxiyo ilaa alaabta guriga, ayaa lala xiriiriyay dhibaatooyin caafimaad.
Dhibaatooyiinkan caafimaad ee ay leeyihiin qalabkan iyo cunooyiinkan aan siticmaalno waxaa ka mdi ah saameynta ay ku yeeshaan beerka oo shaqadiisa gaba; kansarka kiliyaha, iyo dhalashada carruurta leh cillado dhanka jirka ah.
Maxa lagu badali karaa kimikadan?
Helitaanka badeecado beddel ah kiimikadan ayaa u fududaatay warshadaha qaarkood, “Warshadaha soo saara dharka waxay safka hore kaga jiraan arrintan badalkeeda ay heleen,” ayuu yiri.
Si kastaba, shirkadaha maadada PFAS u beddelay badeecado kale oo u wanaagsan caafimaadka aadanaha, waxay isticmaaleen maadooyiin aad waxyeello ugu geysanaya caalamka, sida dharka ka samaysan Bacda.