Qaxootiga Soomaaliyeed ee Kenya oo rajo xumo ka muujiyay maamulka Biden

Somalia news

Qoysaska Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool xaafadda Islii ee magaalada Nairobi, islamarkaana dib u dejinta ka helay dalka Maraykanka ayaa rajo xumo ka muujiyay in ilaa iyo hadda aysan wax macluumaad ah ka helin hay’adihii qaabilsanaa dib u dejinta Maraykanka….

Qoysaskan ayaa bilihii ugu dambeeyay rajo wanagaasan ka qabay in Maamulka Madaxweyne Biden uu dib u bilaabo qaadista dadkii dib u dejinta ka helay Maraykanka ee uu saameeyay go’aankii Madaxweynihii hore ee Donald Trump, ayaa hadda Waxaa soo food saartay rajo xumo.

Muwaadinka Muxumed Sheekh Maxamed oo ka mid ahaa Qaxootigaasi ayaa sheegay inuu jawaabo ka sugaayay muddo ku dhow 29-sano in codsigiisa Qaxootinimo loo ogolaado, wuxuu sheegay in dhibaatooyinka Dhanka nolosha Ee adag Waxaa ugu sii biiray mid kale oo ah in Maamulka Biden uu u dhego nuglaado Qaxootiga.

120170cookie-checkQaxootiga Soomaaliyeed ee Kenya oo rajo xumo ka muujiyay maamulka Biden