DOORASHADA AQALKA SARE OO MAANTA KA DHACAYSA JOWHAR

Somalia news

Kadib dib u dhacyo badan iyo wada hadal hoose oo lagu xalinaayo Khilaafka kursiga Senatorada Beesha Xawaadle, ayaa maanta Waxaa lagu wadaa in Laba kamid ah kuraasta Aqalka sare ee Baarlamanka Federaalka Somalia maanta lagu doorto magaalada Jowhar ee dowlad goboleedka Hirshabeelle…

Wararka ayaa sheegaya in Labada kursi midkood waxa ku tartamaya; Cabdulqaadir Xanafi Sheekh Bashiir, Cali Shacbaan Ibraahim iyo Cabdalla Cabdi Xuseen, halka Kursiga labaadna waxa ku tartamaya laba gabdhood oo keliya kuwaas oo kala ah, Niciimo Ibraahim Yuusuf iyo Samsam Cabdullaahi Axmed.

Kursiga labaad ayaa mid ka mid ah musharaxiintii hore isu diiwaangeliyay isla markaaana ka mid ahaa kuwa ugu cadcad uu goor dhow shaaciyay inuu ka tanaasulay, iyadoo aan la aqoonin sababta ka dambeysa. kuraastaan ayaa muran xoogan hareeyay iyo rabshado.

143600cookie-checkDOORASHADA AQALKA SARE OO MAANTA KA DHACAYSA JOWHAR