Rooble Oo Ku Baaqay In Dhaqso Loo Joojiyo Dagaalada Ka Dhacaya Galmduug

Somalia news

Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Somalia Mudane Maxamed Xuseen Rooble wuxuu wax laga xumaado u arkaa xiisadaha colaadeed ee ka soo cusboonaday deegaanno ka tirsan Gobolka Galguduud Ee Dowlad Goboleedka Galmudug..

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka tacsiyeeyay dadka ku geeriyooday iska hor-imaadyada dhacay wuxuuna caafimaad deg deg ah Alle uga baryayaa dadkii dhaawacmay, isagoo ku baaqay in Nabada laga shaqeeyo,

Galmudug waxaa ka jirta Dawlad-Goboleed haysata sharciyad buuxda iyada ayaana mas’uul ka ah amniga deegaannada Galmudug, sidaas awgeed waa in laga dheeraado tallaab kasta oo u muuqata mid lagu carqaladaynayo Amaanka iyo Nabada Degaanada Galmudug.

143270cookie-checkRooble Oo Ku Baaqay In Dhaqso Loo Joojiyo Dagaalada Ka Dhacaya Galmduug