Dagaalka Kuraasta Aqalka Sare Ee Hir-Shabelle Iyo Galmudug Oo Dagaal Adag Lagu Geli Doono

Somalia news

Warbixino hordhac ah Ayaa muujinayaa in dagaal adag lagu geli doono Kuraasta Xildhibaanada iyo Aqalka Sare ee degaan Doorashada Galmudug iyo Hir-Shabelle, iyadoo la saadalinaayo in dhaqaalaha ugu uu ku bixi doono, sidoo kale la filan karo in dagaal dhiig ku daato uu ka qarxo, taasoo saameyn karta natiijada Doorashada..

Ilo wareedkaan ayaa xaqiijiyay in Kuraasta Xildhibaanada Ee Dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Hir-Shabelle ay noqon doonaan kuwa ugu adag, waxaana maalmahaan Socda abaabul hoose iyo isku diyaarinta Doorashada ee dhinacyadaan, iyadoo Magaalooyinka Jowhar iyo Dhuusa mareeb lagu kala qaban doono Doorashada 16-ka Senator.

Waxaana tartanka ugu adag la saadaalinayaa inuu dhex mari doono Al-Xaaji Muuse Suudi iyo Cumar Finnish, Magaalada Jowhar, halka Cabdi Qeybdiid oo Villa Somalia iyo Qorqor wadato uu ka difaacan doono Axmed Ducaale (Xaaf) oo la sheegay inta badan Xildhibaanada Galmudug ay taageersan yihiin, inkastoo Madaxda Galmudug iyo Hir-Shabelle ay awood u leeyihiin iney soo magacabaan Musharixiinta.

Dhanka kale Villa Somalia ayaa Maalmihii ugu dambeeyay waxey waday Olole iyo culeys saar ay ku Hayaan Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hir-shabelle, iyagoo doonaaya in aan Liiska Musharixiinta lagu soo darin Al-Xaaji Muuse Suudi oo isla markaasna Cumar Finnish lagu qoro iyo shaqsi macmal ah, waana midda muddo laga digaayay in Doorashada ay noqoto mid lagu shubto Sida ka dhacday Konfur galbeed.

132630cookie-checkDagaalka Kuraasta Aqalka Sare Ee Hir-Shabelle Iyo Galmudug Oo Dagaal Adag Lagu Geli Doono