Dhaq-dhaqaaq Ciidan Oo Cabsi Geliyay Shacabka B/Xaawo & Mandheera

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Magaalada B/Xaawo ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in dhaq-dhaqaaqyo Ciidamo oo iska soo horjeeda ay cabsi iyo barakac cusub ka dhaliyeen degaanada B/Xaawo iyo Mandheera kadib markii Abaabul Ciidan iyo hub uruursi ay ka bilaabeen Degaanka Somalia iyo Kenya…

Ciidamada Somalia ayaa dhufeysyi ka sameystay aagag cusub gudaha iyo daafaha Magaalada B/Xaawo, waxeyna talaabadaasi ku abuurtay Shacabka cabsi xoogan iyo barakac, sidoo kale Wasiirka Amniga Maamulka Jubbaland ayaa dhankiisa ka sheegay iney iska difaaci doonaan daandaansiga Ciidamada Dowladda Federaalka.

Nabadoon Idiris Aadan Nuur oo kamid ah Odoyaasha Balad Xaawo ayaa Mustaqbal u sheegay in dadka Degmada oo la dhibtoonaya kasoo kabashada xaaladaha nololeed loogu daray colaadda sababtay in ay barakac ay qorsheystaan.

Waxa uu soo jeediyay in la sameeyo tallaabo weliba oo looga baaqan karo barakicinta dadkaan & deminta Colaadda welwelka ku beertay, maadaama horay dagaaladii uga dhacay raadadkoodu muuqdo.

Isu caga-jugleynta Dowladaha Somalia & Kenya, Eedeynta labada dhinac & dhaq-dhaqaaqyada Ciidamo ay sameynayaan ayaa sabab u ah welwelka lasoo dersay shacabka ku sugan Magaalooyinka B/Xaawo iyo Mandheera.

80320cookie-checkDhaq-dhaqaaq Ciidan Oo Cabsi Geliyay Shacabka B/Xaawo & Mandheera