Goldogob: Rasaas laga maqlay xaflad lagu Taageerayay Saciid Deni 

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Koox hubeysan oo abaabulan ayaa xalay waxey buuq iyo fowdo ka sameeyay xaflad lagu taageerayay Madaxweynaha Puntland ahna Musharrax Madaxweynaha, taasoo ka xiligaasi ka dhaceysat Degmadda Goldogob ee gobalka Mudug (Puntland)..

Wararka hordhaca ayaa sheegay in Fowdadaan ayaa sababtay in lagu hor istaago Xafladda oo uu ka qeybgalayay Guddoomiye kuxigeenka 2-aad ee Gobolka Mudug, iyadoo loo adeegsaday Rasaas lagana maqlay guud ahaan magaalada, inkastoo aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay.

Kooxda hubeysan ee fowdeysay munaasabadda taageerada Siciid Deni ayaa la sheegay inay taageersan yihiin Maamulka fashilmay ee Farmaajo isla markaasna laga soo maalgeliyay Villa Somalia, iyadoo la sheegay inuu fududeeyay Wasiirka Duulista ee Dowlada Federaalka oo degaanka ka soo jeeda.

187470cookie-checkGoldogob: Rasaas laga maqlay xaflad lagu Taageerayay Saciid Deni