Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka oo Digniin ka soo saartay Duufaan ku soo Wajahan Degaanada Xeebaha..

Somalia news

Qoraal ay soo saartay Hey’adda Maareynta Musiibooyinka ayeey uga digtay Shacbiga Soomaaliyeed ee ku Degaanada Xeebaha in Duufaanta Laly oo xawligeeda ku socota 75-100km/saacaddii ay ku soo wajahan tahay xeebaha Dalka, taasoo laga cabsi qabo iney dhibaato ka dhashaan…

Qoraalka ayaa looga digay Shacbiga Doomaha Ganacsiga iyo Kaluumeysatada Soomaaliyeed ee ku nool Xeebaha Gobolada Benaadir, Shabeelada Hoose iyo Jubada hoose iney taxadir dheeraad ah muujiyaan, iyadoo Duufaantani ay xowli ku socoto, waxaana laga csbsi qabaa waxeyna Hey’addu sheegtay iney geysato burbur hantiyeed.

Waxay Hey’addu si gaar ah walaac uga muujisay Degaanada Xeebaha, halkaas oo ah meelaha ugu nugul oo ay dufaantu khasaaraha ugu weyn ka geysan karto, waxayna u sheegtay inay badda ka saaraan qalabka kalluumaysiga, kana fogaadaan aagga xeebaha.

327860cookie-checkHay’adda Maaraynta Musiibooyinka oo Digniin ka soo saartay Duufaan ku soo Wajahan Degaanada Xeebaha..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com