Gudoomiyaha Barlamaanka Puntland oo Ganafka ku Dhuftay Go’aanka Deni uu Xalay Gaaray..

Somalia news

Maalmahaan xiisadaha ka dhashay Khilaafka Doorashada Puntland oo marba heer soo mareysay ayaa la sheegaya in Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland uu ganafka ku dhuftay soo jeedintii xalay ee Madaxweynaha Puntland oo aheyd in la qabto doorasho ay soo xulayaan Odayaasha Dhaqanka ee 66-Xubnood…

Qoraal uu u diray Gudoonka Baarlamaanka ayaa (Deni) kaga codsaday iney soo saaraan lifaaq 5-aad ee lagu galayo doorashada, wuxuuna ku wargeliyay in Doorashadu sideedii hore ku dhici doonto, isagoo tilmaamay inuu tixgaliyay caqabadaha ku xeeran qabsoomida doorasho qof iyo cod ah.

Ayaan darrse, Xildhibaanada Barlamaanka Puntland ayaa ansixiyey iney sannad sii joogan, doortaana MW iyo MW Kuxigeen 8 Jan 2024, iyagoo raacaya go’aankii ay gaareen qaar kamid ah Isimadda SSC-Khaatumo, Guddoonka ayaa sheegay in aan la qaadan karin Lifaaqa Madaxtooyada ka timi oo ay dhacday.

Guddiga maamulaya doorashada Madaxweynaha & Madaxweyne kuxigeenka ayuu sheegay Gudoomiyaha goluhu in uu magacaabi doono, saacadaha soo socda, waxey Xaaladu u muuqataa iney ka sii dartay oo noqtay “Faanoole Fari kama Qodna”.

291780cookie-checkGudoomiyaha Barlamaanka Puntland oo Ganafka ku Dhuftay Go’aanka Deni uu Xalay Gaaray..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com