Degmada Dharkenley Oo NISA Ku Soo Rogtay Lacago

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Degmada Dharkenley ee Gobolka Benadir ayaa sheegaya in Shacbiga ku nool degaankaasi uu madaxa degmada ku soo rogay lacago baad ah oo loogu magac daray diiwaangelin si qasabna looga qaadaayo xiligaan kala guurka lagu jiro…

Wararka ayaa sheegay in Gudoomiyaha Degmada Guhaad Sheekh Xasan uu soo saaray amar qasab ah oo Dadka degan degmada Lacago looga qaadaayo, qofkii diidna xarig iyo ganaax loogu hanjabo, iyadoo loo sheegay in Hey’adda NISA ay Dadka diiwaangelineyso Dadka iyo Guryaha lacgtana loo shubaayo.

Dadka Xarunta Degmada tagay Ayaa xaqiijiyay in lagu wargeliyay iney iska bixiyaan 15 US$ gurigiiba, kadibna la qoraayo Dadka Guriga ku nool, Waxaa kale oo saameyn ku yeeshay Dadka kirada u degan guriga oo iyagana laga rabo 15 US$, diiwaangelintaan ayaa ah midi 2-aad Ee laga qaado degmada muddo 4-sano gudahood ah.

133060cookie-checkDegmada Dharkenley Oo NISA Ku Soo Rogtay Lacago