Ciidamadii Haramcad Oo Laga Soo Qaaday Dhuusa mareeb

Somalia news

Kadib dalab ka yimid Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland oo ahaa in si degdeg ah Ciidanka Haramcad looga saaro Magaalada Dhuusamareeb oo tan iyo Doorashadii Galmudug fariisin u aheyd ayaa lafilayaa in maanta laga soo qaado qeybo ka mid ah ee halkaasi joogay….

Xogtaan ayaa Diinah.com news u xaqiijisay in Qeybaha ka tirsan Haramcad ee Dhuusamareeb jooga oo ku dhow 200 oo askari ayaa Muqdisho Loo Soo qaadayaa, sida aan ka soo xiganey saraakiisha Amaanka, kadib markii Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ay ka biyo diideen joogitaanka Ciidamadaasi, waxaana loo oggolaaday iney Ciidamo dheeraad ah Oo Amnigooda ilaaliya keensadaan, iyadoo Qeybta ugu horeysay oo Ciidamo ka tirsan kuwa Puntland ay soo gaareen Magaalada Dhuusa mareeb.

Madaxweyne goboleed Axmed Maxamed Islaam iyo Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Madaxweynaha Galmudug u sheegay in Ciidanka Haramcad ay yihiin kuwo ka amar qaata Maamulka Farmaajo oo aysan hoos imaan Galmudug, sidaas darteedna aysan isku aaminin meel Haramcad joogto in shir ay uga qeyb galaan.

46720cookie-checkCiidamadii Haramcad Oo Laga Soo Qaaday Dhuusa mareeb