Heshiis Laga Gaaray Ilaalada Madaxda Shirka Ka Qeyb Galeysa

Somalia news

Faahfaahin ayaa laga helayaa wada tashiyo laga yeeshay Amaanka goobta shirka Waxaa si buuxda ula wareegay ciidamada Amisom, Waxaana shir soo dhamaaday dhowaan, iyadoo la isku afgartay in ciidamada madaxda oo ay ku jiraan kuwa federaalka gaadiidka dagaalka iyo ciidamada looga reebo doonaa albaabada  laga galo garoonka Aadan Cadde….

ilo wareedkaan ayaa sheegaya in madaxda dhamaan aan loo ogolaan doonin in hubka ay la gudbaan marka laga reebo ilaalada gaarka ah ee loo yaqaan VIPda, Dhamaan Ilaalada Madaxda waxaa lagu reebi doonaa Mariino Gate oo ah dhanka Dugsiga Boliiska iyo Madiina Gate oo ah dhanka wadada degmada Wadajir.

103760cookie-checkHeshiis Laga Gaaray Ilaalada Madaxda Shirka Ka Qeyb Galeysa