Shil Diyaaradeed Oo Ka Dhacay Degaanka Dhoobley

Somalia news

Wararka ka imaanaya magaalada Dhoobley ee gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhashay shil diyaaradeed oo sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac….

Diyaaradaan oo ah nuuca xamuulka qaado ee lahaayeen milatariga Kenya ayaa bur burtay xili garoonka diyaaradaha Dhoobley ay ka degeysay, walina lama oga sababta rasmiga ah ee shilkaasi keentay.

Dadka ku dhaqan Dhoobley ayaa sheegay in diyaarada burburtay uu dab qabsaday markii ay garoonka kusoo dageysay, waxaana shilkaasi bur bur xoogan uu kasoo gaaray diyaaradaha ay lahaayeen Milatariga Kenya.

Inta la xaqiijiyay hal qof ayaa ku dhintay shilkaasi diyaaradeed halka sadex kalana ku dhaawacmeen, waxaana milatariga Kenya bilaabeen baaritaano ku aadan sababta shilkaasi dhalisay.

Diyaarado ay leeyihiin milatariga dowlada Kenya ayaa saanado kala duwan u geeya ciidamada Kenya ee howlgalka nabad ilaalinta u jooga qeybo kamid ah gobolada Jubooyinka iyo Gedo.

52070cookie-checkShil Diyaaradeed Oo Ka Dhacay Degaanka Dhoobley