Maxaa Ka Jira In Amaanka Garoonka Diyaaradaha Ay La Wareegeen Ciidamo Mareykan ah

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Diyaarado (2) kuwa Qaada Ciidamada Mareykanka ay Galabta ka degeen garoonka diyaaradaha Ee Magaalada Mogadishu, iyadoo la sheegay iney la wareegeen guud ahaan amaanka xeyndaabka Xerada Afisioni, Garoonka diyaaradaha….

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com u xaqiijisay in Ciidamadaan iyo kuwo Danab oo ku Hubeysan 22-Gaadiidka Dagaalka ay galabta soo galeen Magaalada Mogadishu iyagoo ka yimid wadada Balcad waxey tageen garoonka Diyaaradaha Ee Magaalada Mogadishu.

Caawa ayaa lagu wadaa in Ciidamadii farsiimaha ka dhigtay 6-barood dib looga saaro, kadib markii Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Mr.Saciid Dani uu ku eedeeyay Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo ee muddo xileedkiisu dhamaaday uu Qorsheeyay inuu weeraro Xarunta Xalane.

103730cookie-checkMaxaa Ka Jira In Amaanka Garoonka Diyaaradaha Ay La Wareegeen Ciidamo Mareykan ah