Heshiiska Qaxootiga Afghanistan Ee Somaliland Maxaa Ka Hirgalay

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Heshiis qarsoodi ah oo dhex maray Saraakiil ka socota Maamulka Somaliland iyo Ganacsade u dhashay Dalka Mareykanka kuwaasoo ku heshiiyay in si KMG ah Qaxootiga loo dejiyo Magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera…

Wakaaladda Wararka ee AFP oo soo xiganaysay Xubin ka mid ah Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Somaliland oo aan Magaciisa la sheegin, Ayaa xaqiijiyay inuu Warkaasi uu jiro, inkastoo Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, ahna Afhayeenka Xukuumadda Somaliland Saleebaan Cali Koore oo markii Warkaasi soo baxay kadib, beeniyey inuu jiro heshiis dhex maray Maraykanka ama Maalgashade matalaya Maraykanka, heshiiskaas kaasi oo ogolaanaya in dalka la keeno Qoxootiga reer Afghanistan ah.

Hase yeeshee Ilo wareedyo Ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijiyay in Cidda heshiiska la gashay Maamulka Somaliland isla-markaana doonaysa iney soo daabusho Qoxootiga Afgaanistaan uu yahay Nin Maalgashade ah oo lagu Magacaabo Mr.Zach Van Meter, kaasoo ah Muwaadin Maraykan ah oo ka soo jeeda deegaanka Naples ee Gobolka Florida.

Shaqsigaan ayaa markii hore Telefoon arrintan kagala hadlay Wakiilka Somaliland ee dalka Maraykanka Bashiir Good, waxaanu waydiiyey su’aalo ku saabsan in Somaliland ay marti-gelinayso Qoxootiga Afgaanistaan laga soo qaadayo, sida uu Wargeyska u sheegay Bashiir Good.

Heshiiskaan Degaanada Berbera iyo Hargeysa Ee Somaliland lagu geynaayo Qoxootiga reer Afghanistan waxaa uu saxeexay Sii haya Xilka Wasiirka Arrimaha dibedda Somaliland “25-kii August, sii hayaha Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland ayaa heshiis hordhac ah la saxeexday Hey’adda samafalka ee la shaqeeya Mr. Van Meter, isagoo oggolaaday in si KMG ah loo dejiyo (Somaliland) ilaa 10,000 oo qof Qaxooti ah.

Dowladda Federaalka Somalia ayaa la sheegay iney aad uga carootay in Heshiis aan laga talo gelin uu hirgeli karo, waxeyna xiriiro la sameeyeen Wasaarada Arrimaha Dibeda ee USA oo ay ku wargeliyeen ineysan marnaba oggolaneynin in Siyaasada Arrimaha gudaha la fara geliyo.

138700cookie-checkHeshiiska Qaxootiga Afghanistan Ee Somaliland Maxaa Ka Hirgalay