Dagaal Rogaal celin ah Oo Shababku ku soo qaadeen Tuulada Hilowle Gaab

Somalia news

Warar hordhac ayaa tilmaamaya in dagaal la isku adeegsanaayo hubka noocyadiisa kala uu ka socdo tuulada Hilowle-gaab oo hoostaga degaanka Ruunirgood ee gobolka Shabeelada dhexe, maleeshiyaadka Argagixisada Shababka ayaana kusoo qaaday dagaal saakay aroortii hore…

Wararka ayaa sheegay in xaalada dagaal darteed ay Isgaarsiinta degaanka aad u hooseeyso lama ogaan karo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka, balse waxaa la sheegay in bilowgii dagaal ay 3-Qarax oo xoogan ka fuliyeen kooxda Argagixisada fariisimada Ciidamada.

Afhayeenka howl-gallada ee kooxda Shabaabka Cabdicasiis Abuu Muscab oo war kasoo saaray dagaalkaan ayaa sheegay in weerar xoogan ku qaadeen saldhiga ciidamada huwanta kaga sugnaayeen degaanka Hilowle-gaab ee ku yaala waqooyiga degmada Ruun-Nirgood.

Ilaa hadda lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkaan, iyadoo uu deegaankan ka mid yahay deegaannadii ugu dambeeyay ee laga xoreeyay kooxda argagixisada Shababka.

235570cookie-checkDagaal Rogaal celin ah Oo Shababku ku soo qaadeen Tuulada Hilowle Gaab