Xildhibaano Caawa Weerary Magaalada Jowhar

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Weerar Bam-gacmeed loo adeegsaday ayaa lagu qaaday Guri ku yaal Degmada Jowhar ee Gobolka Shabeelada Dhexe, Guriga ayaa la sheegay iney degenaayeen tiro Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Hir-Shabelle, kuwaasoo dhaawac ka soo gaareen..

Wararka hordhaca ah ayaa sheegay in Weerarka Bam-gacmeedka uu dhaliyay Qarax kaasoo lagu tuuray guri ku yaal Xaafada Hantiwadaag, iyadoo ay ku dhaawacmeen 3-Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Dowlad goboleedka Hir-Shabelle, kuwaasoo Magacyadoodu kala yihiin:-

-Duwane Faarax Cali

-Cusmaan Cabdullaahi

-Aadan Barre

Magaalada Jowhar ayaa xiligaan waxaa ku sugan tiro Musharixiin iyo Ilaaladooda Hubeysan kuwaasoo u taagan Tartanka Kuraasta Aqalka Sare, iyadoo sidoo Kale Madaxda iyo Xildhibaanada Maamulka Ayaa intooda badan dib ugu laabtay Magaalada Jowhar, halka Xoogaga Amaanka ay wadaan dhaqdhaqaaq amniga lagu xoojinaayo.

138730cookie-checkXildhibaano Caawa Weerary Magaalada Jowhar