Hey’adda NISA Oo Lagu Eedeeyay Tacadiyada & Ku-Tumashada Xuquuqda Aadanaha

Somalia news

Qoraal dheer oo laga soo saaray Waaxda Daba galka tacadiyada xuquuqda Aadanaha ee Wasaarada Arrimaha Dibeda ee USA, ayaa lagu eedeeyay Dowladda Federaalka iyo Hey’addaha Amaanka iney si joogto ah ugu xadgudbaan Xuquuqda Dadka Rayidka iyo Dastuurka KMG ah, falalkaan ayaa la la meel dhigay kuwo ay geystaan Kooxaha argagixisada….

Sanado badan ayaa Shacbiga Soomaaliyeed la daaladhacaayeen sidii indhaha Caalamka u soo jiidan lahaayeen tacadiyada arrimaha xorriyada, Xuquuqda Aadanaha ee Dadka Rayidka iyo caburinta Wariyayaasha oo ay geystaan Ciidamada Dowladda, kuwa Dowlad Goboleedyada qaarkood iyo Hey’adda NISA.

Soo shaac bixintaan Warbixinta ayaa lagu tilmaamay mid loogu hiiliyay Cadaalada iyo sareynta Sharciga, hadiiba Warbixintaan lagu soo daray Eedeynta Hogaanka Hey’adda NISA oo 3-dii sano Ee u dambeysay u dhaqmaayay inuu si joogto ah u cabsi geliyo Dadka Rayidka ah isla markaasna ay u geysto Xarig sharci darro ah, qaadista Baada iyo hanjabaado joogto.

Iyadoo sidoo kale Warbixinta lagu Eedeeyay Hey’adda uu Hogaamiyo Adeege Fahad Yasin iney ka dambeyso afduubyo iyo Xarig sharci darro ah oo loo geystay Taageerayaasha Kooxaha Mucaaradka iyo Wariyayaasha Sida ( Maxamed Abuuja), talaabooyinkaan ayaa la xaqiijiyay in Villa Somalia ay oggolaatay in la qaado.

109970cookie-checkHey’adda NISA Oo Lagu Eedeeyay Tacadiyada & Ku-Tumashada Xuquuqda Aadanaha