Dadaalo Laga Dhex Bilaabay Madaxda Soomaalida

Somalia news

Waxaa soo shaac baxaaya dadaalo iyo waan-waan dhinacyo kala duwan ka socda kuwaasoo lagu doonaayo in mar kale miiska wada hadalka Ee Teendhada Afisioni isugu keeno Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka ayaa maraaya meel sare lagana rajo qabo in lagu guuleysto, sida ay u sheegeen ilo wareedyo Warsidaha Diinah.com news….

Wararka ayaa sheegay in Wakiilada Beesha Caalamka, Musharixiin iyo Siyaasiyiin ay door fiican ka qaateen dadaalada lagu doonaayo in miiska wada hadalka la isugu keeno Hogaamiyayaasha Soomaalida oo ku kala tagay Kulankii Teendhada Afisioni, iyagoo Maamulka Farmaajo uu iclaamiyay todobaadkii hore inuu shirka Fashilmay.

Ilo wareedkaan ayaa sheegay iney rajo Wanaagsan ka qabaan inuu shirka dib u qabsoomi doono, balse waxey ka gaabsadeen xiliga uu dib u bilaaban doono, iyagoo ku sababeeyay in Mr.Farmaajo uu Weli ka cago jiidaayo isla markaasna daaha gadaashiisa ka wado olole lid ku ah dadaaladaan iyo in shirka lagu kala tago.

Sidoo kale Mr.Farmaajo ayaa aad uga soo horjeeda in Shirarka Soomaalida dhexdeeda uu ku ekaado oo aaney saameyn ku yeelan Wakiilada Beesha Caalamka Iyo Diblomaasiyiinta shisheeyaha kuwaasoo damaanad qaadayaal ka noqonaaya dhaqan gelinta Heshiiska la wada gaaro, hadii ay mar kale guuldareystaan dadaaladaan Waxaa laga cabsi qabaa in Wakiilada Beesha Caalamka ay toos ula wareegto doona fara geliso xaalka Khilaafka Doorashada inkastoo Uu Maamulka Farmaajo uu bilaabay Olole uu uga soo horjeedo arrintaan.

109890cookie-checkDadaalo Laga Dhex Bilaabay Madaxda Soomaalida