Ma Dhabaa in Saciid Dani uu Safar Qarsoodi ah ku Tagay Dalka Imaaraadka Carabta

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa tilmaamaya in kadib Kulankii Magaalada Nairobi uu Madaxweynaha Puntland kula yeeshay Wakiilada Beesha Caalamka iyo Hey’adaha Dhaqaalaha Aduunka ayuu Safar Qarsoodi ah ku tagay Dalka UAE…

Xogtaan ayaa u sheegtay Warsidaha Diinah.com news in Hogaamiyaha Muddo xileedkiisu gabaabsiga yahay ayaa Tiro ja mid ah Golihiisa Wasiirada kaga tagay magaalada Nairobi, wuxuna Safar qarsoodi ah ku tagay magaalada Dubai si uu ul kulmo Madaxda Dalka Imaaraadka Carabta inkastoo aan la ogeyn ujeedada Safarka.

Mr.Dani ayaa la sheegay inuu ka deyriyay Howlaha is-diiwaan gelinta doorashada ee laga fuliyay Degaano ka tirsan Puntland ayna is-diiwaan geliyeen tiro aad u hooseysay, wuxuu qorsheystay inuu (Plan B) soo saari oo ah inuu Mudada loo kordhiyo ka codsado Baarlamaanka, isagoo Sabab uga dhigaaya Dagaalada Gobolka Sool iyo Tiro badan oo Is-diiwaan gelinta ka baaqsaday.

Dhanka kale, Dad xogogaal ah ayaa Warsidahaan u xaqiijiyay in Mr.Dani xubno ku dhow uu u sheegay in Madaxda Maamulada (Galmudug, K/Galbeed & Hirshabelle) oo loo xil saaray iney isku dayaan iney dhex dhexaadiyaan Villa Somalia & Puntland, uu balamiyay Dhamaadka Bisha Ramadaan kadib.

247950cookie-checkMa Dhabaa in Saciid Dani uu Safar Qarsoodi ah ku Tagay Dalka Imaaraadka Carabta