Ma Dhabaa In Muddo Kororsi Dadban Villa Somalia Laga Diyaarinaayo

Somalia news

Kadib markii uu Mr.Farmaajo uu fashiliyay Wada hadaladii Teendhada Afisioni, isla markaasna ka caga jiiday inuu dib ugu laabto Baaqyo badan kadib, wuxuu hadda dardar geliyay sidii loo Hirgelin lahaa Qorshaha muddo korarsiga iyadoo loo maraayo in Gudoonka Baarlamaanka uu u yeero Wasiirka 1-add Rooble (La-helow) inuu hor tago Baarlamaanka….

Ilo wareedkaan ayaa u xaqiijiyay Warsidaha Diinah.com news in Godoomiyaha Baarlamaanka loo gacan geliyay Qorshe cusub oo loo maraayo muddo kororsiga, waxaana la sheegay in loo yeeri doono Wasiirka 1-aad kaasoo Baarlamaanka hortiisa kaga dhawaaqi doono inuu Kulanka Teendhada Afisioni uu Fashilmay.

Maxaa Xigi:-

Baarlamaanka ayaa la sheegay inuu Ka dalban doono Xukuumada iney la timaado Qorshe cusub oo Dalka Doorasho looga qaban karo, talaabadaan ayaa ah mid aan lagu xiri doonin Dowlad Goboleedyada, Dadka xogtaan bixiyay ayaa sheegay in Wasiirka 1-aad uu keeni doono qorshihii Doorasho Ee Heshiiskii lagu gaaray Magaalada Baydhabo sanadkii 2018-kii, kaasoo ahaa mid ku dhisan Nidaamka xisbiyada Badan.

Halkaasi ayaa la sheegay iney ka dhalan doonto Muddo kordhinta cusub (Muddo 2-sano), waxaana la xaqiijiyay in Tiro badan oo Xisbiyada diiwaan gashan lagala Hadlay Arrintaan kuwaasoo muujiyay iney taageersan yihiin, sida muuqata Maamul Ku Fashilmay Inuu qabto Doorasho dadban loogama fadhiyo inuu qabto Doorasho Xisbiyo badan ku darsoo Degaano badan ayaa Gacanta Dowladda ka maqan (Maamulada S/land, Puntland iyo Jubbaland).

Waxaa kale shaki badan ka jiraa Sida loogu qanci karo Qorshahaan, maxaa yeelay Mr.Farmaajo oo Dhaqaalihii, Ciidamada iyo hantidii Dalka iyo Dadka ka dhaxeysay uu kaligiis isku koobay in la la galo tartan Doorasho oo noocaas ah, Villa Somalia ayaa dareensan in Talaabadaan ay soo dedejin doonto khilaaf ka mug weyn kan hadda taagan, waxeyse qabaan in 6-bilood kadib laga wada hadlo marka muddo kordhinta la hirgeliyo, Dadkana hilmaamaan.

Miyaa La Oggoleysiin Karaa Shacbiga & Beesha Caalamka:-

Kooxda Farmaajo ayaa aamisan in inta badan Mucaaradka iyo tiro yar oo Wakiilada Beesha Caalamka laga dhaadhicin karo Qorshahaan Muddo korarsiga dadban, waxaanse xisaabta lagu darin Taageerada Shacbiga gaar ahaan kuwa Magaalada Mogadishu oo muddo 3-sano ah Go’doonin iyo Isbaarooyin lagu caburinaayay, iney diyaar u yihiin iney aqbalaan 2-sano oo ciqaab kale ah.

Maxey Kula Tahay!!!🤗

110010cookie-checkMa Dhabaa In Muddo Kororsi Dadban Villa Somalia Laga Diyaarinaayo