Hey’adda WFP oo Hakisay Hawlgaladeedii Degaanada SSC-Khaatumo sababo la xiriirta Bililiqo..

Security Somalia news

Qoraal ay soo saartay Hey’adda WFP ayeey ku shaaciyern iney si ku-meel-gaar ah u hakiyern dhamaan Hawlihii Gargaar oo ay ka wadeen Degaanada Maamulka SSC-Khaatumo sababo la xiriira amni xumo iyo Bililiqo & Boob loo geystay Qaybinta Gargaarka Bini’aadantinimo ee Degaankaasi..

Qoraalka waxaa soo saaray Agaasimaha WFP ee Somalia, El-Khidir Daluum, ayaa lagu sheegay in barnaamijyada WFP ee SSC ay taageero siin jirtay ku dhawaad 8,655 qoys oo ay ku jiraan carruur nafaqo-xumo hayso, hooyooyin uur leh iyo kuwa nuujinaya, iyo dad kale oo nugul, Gargaarkan ayay Hey’addu u sii marin jirtay  3-Hay’adood oo NGO ah: GHADO, NRC, iyo ALIGHT, kuwaasoo ka hawlgala degmooyinka Laascaanood, Taleex, iyo Buuhoodle.

Dhacdooyinka soo noq-noqday ee bililiqada ah ayaa sababay hakinta gargaarka, WFP ayaa shaacisay in 24-kii iyo 27-kii November laga bililiqeystay ugu yaraan 95 tan oo Raashin gargaar ah oo loo waday Dadka Degaanka Buuhoodle, Hogaanka Hey’addu waxay qaateen go’aan adag oo ah inay joohiyasn Howlaha ilaa laga helo jawi amaan ah oo u oggolaanaya in gargaar bini’aadantinimadu si habsami leh u fuliyaan,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Dhaca ayaa qeyb ka ah caqabadaha Hey’adaha gargaarka ay kala kulmaan goobaha colaadaha iyo nuglaanta ay saameeyeen, iyadoo hay’addu ay sheegtay in loo baahan yahay iskaashi iyo dadaal dheeraad ah si loo badbaadiyo nolosha dadka nugul ee ku nool SSC.

351460cookie-checkHey’adda WFP oo Hakisay Hawlgaladeedii Degaanada SSC-Khaatumo sababo la xiriirta Bililiqo..