Warbixino laga Soo Saaray Dhibaatada (Halista) Minooyinka ee Sanadkii 2022-kii

Somalia news

Warar dheeraad ayaa laga helayaa Warbixin ay QM ka soo saartay halista iyo dhibaatada laga dhaxlay miinooyinka iyadoo la maamuusayo maalinta loogu talagalay in la sameeyo wacyigelinta miinooyinka & in la dhiirrageliyo soo saaristeeda, si Shacbiga uga badbaadaan Dhibaatada miinada…

Warbixintaan kasoo baxay QM ayaa lagu sheegay in Somalia sanadkii tagay 2022kii ay wayxeello gaarsiisay Miino in ka badan 1,200 oo qof oo dhimasho & dhaawac soo gaaray loona baahan yahay wacyigelin in la sameeyo, QM ayaa sheegtay in loo baahan yahay in lasoo afjaro halista taagan ee Miinooyinka & haraadiga walxaha qarxa ee muddada fog ku aasay dhul badan oo Somalia ah si loo badbaadiyo Dad iyo Duunyo badan oo waxyeello u geysan karto.

Marka laga eego tirada dadka ku wax-yeelooba ama baaxadda culayska dhaqaale, khasaaraha ay dadka caadiga ah ee Soomaaliyeed kala kulmaan khatarta ka dhalan karta walxaha qarxa waxay ku kacaysaa qiimo aad u sarreeya oo aan la xamili karin, Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxaa si joogto ah uga go’an la-shaqaynta maamullada Soomaaliyeed iyo saaxiibada maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah si loo badbaadiyo dadka rayidka ah loona kobciyo nabadda, amniga iyo horumarka Soomaaliya” ayay tiri Anita Kiki oo ah Ku Xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud Qaramada Midoobay u qaabilsan.

Gobollada Dhexe ee Dalka waxaa degmooyin ka tirsan aad looga cabanayaa haraadiga walxaha qarxa oo ay ka tageen Dowladdii Dhexe & Jabhadaha dagaalka la galay, Dadkaan oo u badan Xoolo dhaqato reer Miyi ah ayaa ku waayay qaar kamid ah ehelkooda iyo Xoolahooda.

249710cookie-checkWarbixino laga Soo Saaray Dhibaatada (Halista) Minooyinka ee Sanadkii 2022-kii
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com