Hey’adda Xasaradaha Oo Digniino Ka Soo Saartay Khilaafka

Somalia news

Hey’adda u kuur gasha Xasaaradaha Aduunka ( International Crisis Group) ayaa soo saartay warbixin ku Aadan Khilaafka Farmaajo iyo Rooble, iyadoo cinwaan uga dhigtay iney Labada Mas’uul ay “Dab” ku ciyaarayaan, waxeyna soo jeedisay Talaabooyin Xaalada lagu Qaboojinaayo.

Warbixinta Hey’adda ayaa ka digtay in muranka Siyaasadeed uu xilli kasta horseedi karo gacan ka hadal sidii dhacday bishii April ee Sanadkaan markii muddo kororsiga ay ku dhiiradeen Farmaajo iyo Kooxdiisa, iyadoo warbixinta lagu xusay in xiriirka labada Nin uu gaaray heer aan soo noqod laheyn.

Waxey ka digeen in halista jirta ay tahay mid aad u sarreysa ayna muuqato ifafaafo inuu Dalka galo rabshado, xili labada Nin ay wadaan dagaal Siyaasadeedkooda oo mid walba ku dadeelaayo inuu ku wiiqo midka kale dagaalkana la filaayo inuu qarxo, waxeyna u soo jeedisay Wakiilada Beesha Caalamka iney soo fara geliyaan.

https://www.crisisgroup.org/africa/horn-africa/somalia/somalias-politicians-play-fire-again

140900cookie-checkHey’adda Xasaradaha Oo Digniino Ka Soo Saartay Khilaafka