Kaararkii Aqoonsiga Qaar ka mida Ciidamada Asluubta oo la Baabi’iyey & Sababta..

Somalia news

Faahfaahino dheeraad ah ayaa laga helayaa Qoraal (Wareegto) ka soo baxday Taliska Ciidamada Asluubta ayaa lagu shaaciyay in lagu baabi’iyey dhamaan Kararkii iyo Aqoonsiyadii (ID Cards) ay hore u isticmaali jireen ciidamada Asluubta, kadib tuhun iyo shaki laga qaaday Tirada Kaararkaan…

Ilo wareedyo ayaa sheegay in Qeybaha Taliska Asluubta ay waayahaan dambe ku soo kordheen Tiro badan oo Aqoonsiyo ah oo been abuur ah kuwaasoo suuqyada laga sameystay isla markaasna la isku dayay in lagu galo Xarumaha iyo Xabsiyada Dalka, Taliyaha Ciidamada Asluubta Mahad C/raxmaan ayaa sheegay in Taliskiisa uu dhowaan soo saari doono Aqoonsi cusub ID cards, sidaasina aan wax tixgelin ah loo siin Aqoonsiyadii (ID Cards) hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

Qoraalka uu Hay’adaha Amiga iyo Madaxda Dalka u kala diray Taliyaha Ciidamada Asluubta ayuu ku wargeliyay in laga bilaabo 17-ka March 2024, la baabi’iyay Aqoonsigii (ID Cards) Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo ay horay u isticmaali jireen Ciidanka Asluubta Guud ahaan.

Wararka aya sheegaya in sababta loo joojiyay dhamaan Aqoonsiyadii Ciidamada Asluubta ay tahay kadib markii lagu arkay aqoonsiyadaasi Dad adeegsanaya oo isbaatooyinka gudaha ku maraaya aan ka mid ahayn Ciidamada Asluubta, loogana shakiyay inay adeegsadeen kooxda Argagixisada Shabaabka.

315850cookie-checkKaararkii Aqoonsiga Qaar ka mida Ciidamada Asluubta oo la Baabi’iyey & Sababta..