Wasaarada Waxbarashada Oo Shaacisay ineysan Aqoonsaneyn Ururka FSU..

Somalia news

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare ayaa lagu caddeyay in dalka aanu jirin Urur la yiraahdo Federation of Somali Universities (FSU) oo ay Wasaaraddu aqoonsan tahay, waxeyna ka digeen in ururkaasi lala shaqeeyo ama xiriir la la yeesho..

Wasaaradda Waxbarashada ayaa sheegtay in kaliya ay aqoonsan tahay Midowga Jaamacadaha Soomaaliyeed (ASU), kaasoo ka diiwaanshan Wasaaradda, islamarkaana ah Urur ay ku mideysan yihiin inta badan Jaamacadaha dalka.

Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda waxbarashada ayeyna digniin ugu diray ururka la magac baxay Federation Somali Universities (FSU ) in ay ka shaqeeyaan arrimaha waxbarashada fasax la’aan iyo diiwaangalin la’aan.

286220cookie-checkWasaarada Waxbarashada Oo Shaacisay ineysan Aqoonsaneyn Ururka FSU..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com