Hir-Shabelle Iyo Khilaafka Xalinta U Baahan

Somalia news

Xiisado siyaasadeed oo qatar galin kara Doorashada Iyo dhismaha maamul goboleedka Hirshabelle ayaa xiligan soo shaac baxaaya, waxaana khilaaf xoogan ka taagan yahay Beesha qaadaneysa xilka Madaxweynaha maamulkaasi, iyadoo xiisadani ay gadaal ka riixeyso Villa Somalia….

Maamulka Hirshabelle ayaa lagu dhisay markiisi hore qaab deg-degsiimo ka muuqato, waxaana Hirshabelle la dhisay xili kala guur ah oo doorasho la qabtay, waxaana mar kale dhismaha maamulkaasi kusoo aaday xili kale oo kala guur ah Maamulkii hore Ee Dowladda Federaalka iyo kan hadda xiligiisa dhamaadka yahay.

Hirshabelle oo ka kooban labada gobolka ee Hiiraan iyo Shabeelaha Dhaxe ayaa markii hore loo qeybsaday in Hiiraan la siiyo Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka halka Shabeelaha Dhaxe la siiyay Madaxweyne kuxigeenka iyo Caasimada.

Waxaa hada socda qorshe ka badelan kii hore, waxaana beesha Abgaal oo degta Shabeelaha Dhaxe markan doonayaan inay qaataan xilka Madaxweynaha halka beesha Xawaadle oo Hiiraan degto iyana dooneyso in xilkaasi aan lagula tartamin siina heestaan.

Dhismaha Maamulka Hirshabelle ayaana hada wajahaya khilaaf xoogan oo salka ku haya awood qeybsiga, Siyaasiyiinta Beesha Xawaadle ayaana diidan in xilka Madaxweynaha Hirshabelle noqdo mid furan oo loowada tartami karo, iyadoo Maamulka Farmaajo uu doonayo in Maamulka cusub ee xilka kala wareegi doona inuu Khilaafka La kowsado.

Madaxweynaha Hirshabelle ayaa shalay kasoo horjeestay jadwal ay soo saareen guddiga qaban qaabada soo xulista Baarlamaanka labaad ee Hirshabelle , waxaana suurto gal ah in Waare uu guddigaasi kala diro.

Doorashada Hirshabelle ayaa kusoo aaday xili la isku diyaarinayo doorashada heer federaal, waxaana laga cabsi qabaa in mar kale Hirshabelle loo sameeyo maamul qaab boobsiis ah ku yimid oo aysan raali kawada aheyn dadka dega Hiiraan iyo Shabeelaha Dhaxe.

65150cookie-checkHir-Shabelle Iyo Khilaafka Xalinta U Baahan