Maqaal:- Dhalasha Dhaxdin Weydey Qorshaha Rati-kacsiga Irirsamaale

Somalia news

Waxaan shaki ku jirin in sheekada Rati kacasiga Maalmahaan lagu mashquuliyay inta “ Indhow garadka ah”, ee Irirsamaale aaney xiligaan Siyaasadda laguma amaahan karo Isir iyo Dhalashadda, Balse irirsamaalanimaddu haddey qabiil tahey, Maanta Wax dhashey mey noqoteen…

Ku darsoo Dhalashadu isma bedesho, Waxaase keentey hadda in sidan loo buun buuniyo, Waa fashilka Hogaanka Hargeysa oo ku raad gadanaaya dib u dhaca kaga yimid Dagaalka Gooja-cadde, Waxana ka sii daran in hal-heyskaan Irirsamaale ragii u abtirin laha ama muqaalkooda loo joosan lahaa. Meynu arag koox aan isdhaamin oo sida kooxahii Hal-abuurada iyo fanaaniinta ee riwayadaha qaadi karaa, Habeenba meel xafladd ka soo dhex muuqanayaa.

Markaa anigu aad ulama yaabani jilidda noocana waxaanse ka xumahey Taariikhdda madow ee aan sal iyo raadtoona laheyn ey dhegaha caruurta kaga wasakheynayaan, Fashilka 2-aad waxa weeye in IRIRSAMAALE Hadii la rabo qoorweynta Moqdisha si hufan oo karaameysan Hargeisa loogu soo casumi lahaa Markaasey miisaan culus yeelan laheyd, Waxana la oran lahaa waa Xulufeysi Siyaasadeed oo soo jireena.

Film-kaasi jilidiisii wuu fashilmey, Waxuna ku soo afjarmay in Weli Xaalka iyo murugada ka taagan Xerada GOOJACADDE aan weli dawo loo helin, Dadkuna waa dadkii degaankuna waxeyna taagan tahay “Markaa xaajaba la yaable bal aan qodo xabalaha”.

252190cookie-checkMaqaal:- Dhalasha Dhaxdin Weydey Qorshaha Rati-kacsiga Irirsamaale