Maxaa Hortaagan Ku Dhawaaqista Liiska Golaha Wasiirada Dowlada Federaalka

Somalia news

Wasiirka 1-aad ee Dowlada Federaalka ayaa weli ku mashquulaan ku dhawaaqista Golihiisa Wasiirada, isagoo Xildhibaanada Baarlamaanka kalsoonida siiyeen 15-Juun-2022, wuxuuna xilka la wareegay 28-kii Juun, waxaana la sheegay iney heystaan caqabado dhowr ah….

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in caqabadaha Wasiirka 1-aad heysata ayaa waxaa ka mid ah qeybinta Xilalka mudnaan leh ee Wasiirada Qeybta “A” ee Beesha Daarood ee uu ka soo jeedo, iyadoo Wasiirada ka imaanaaya Beelaha Majeerteen iyo Mareexaan ay u baahan yihiin isku dheelitir, kadib markii Beesha Ogaadeen loo xukay Jaga Ra’iisul wasaaraha.

Caqabada 2-aad ayaa lagu tilmaamay in Madaxweynaha uu culeys iyo fara gelin ku hayo sidii uu isaga u soo xuli lahaa Xubnaha Beelaha Daaroodka ka imaanaya, waxaana is waafajin u baahan Rabitaanka Madaxweynaha & Wasiirkiisa 1-aad, iyo Sameynta Beekaha Majeerteen iyo Mareexaan.

Wararka aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Madaxweynaha uu Wasiirka Arrimaha Dibeda uu u xushay Xubin ka soo jeeda Beesha Mareexaan halka Maamulka Puntland ay ka biyo diideen in la meel mariyo qorshahaasi, isku soo wada duub waxaa la filayaa in 20-25 bishan lagu dhawaaqi doono ugu dambeyn magacaabista Golaha Wasiirada.

201630cookie-checkMaxaa Hortaagan Ku Dhawaaqista Liiska Golaha Wasiirada Dowlada Federaalka