Share the post "Hogaamiye Dani Oo Muqdishu Ka wada Howlo Uu Ka Gaabiyay Mr.Farmaajo"
Tan iyo markii uu so gaaray magaalada Muqdishu Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mr.Saciid Cabdulaahi Dani, ayaa waday shirar xiriir ah uu la yeelanaayo Xisbiyada Mucaaradka, Siyaasiyiinta, Qeybaha kala duwan ee Bulshada iyo Gudoonka Aqalka Sare, iyadoo uu howshaani lahaa madaxweynaha Dowlada Federaalka Mr.Farmaajo oo ka gaabiyay inuu guto xilka lagu aaminay….
Mr.Dani ayaa maanta la kulmaaya Gudoomiyaha Aqalka Sare iyo Gudigga fulinta, isagoo ku booqanaaya Xaruntooda magaalada Muqdisho, waxeyna ka wada hadlaayaan xaalada kala guur ah murugsan ee xiligaan Daka ku sugan yahay, arrimaha Siyaasad iyo in qaab doorsho oo wadar oggol ah sida looga hirgelin karo.
Kulamadaan Mr.Dani uu ka wado magaalada Muqdisho ayeey aheyd gudashada xilka waajibaadka Madaxweynaha Dowlada Federaalka, iyadoo laga rabay inuu door dhexdhexaadnimo oo shariif ah ka qaato, balse ayaan darro ma dhicin wuxuu Mr.Farmaajo Xiligaan ku jiraan Go’doon siyaasadeed, isagoo sanadihii ugu dambeeyay faraha kula jiray kala qeybta iyo isku dirka Beelaha Soomaaliyeed, wuxuuna iska fogeeyay Siyaasiyiinta iyo waxgaradka miiska ku leh sidyaasada dalka, wuxuu burburay howlhii Aqalka sare, wuxuu ku tuntay Shuruucda dalka iyo Dastuurka KMG ah.