Dhul Dan Guud ah Oo Ganacsato Laga Iibiyay

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Dhul boob ay wadaan Saraakiil ka tirsan Villa Somalia, Maamulka Gobolka Banaadir iyo kan  maamulka degmada Wardhiigley, iyagoo lagu Eedeeyay iney si hoose ganacsato uga iibsadeen kawaanka hilibka iyo suuqa xoolaha ee degmada Wardhiigleey oo Dhul dan guud ahaa…

Xogtaan ayaa u xaqiijisay Warsidaha Diinah.con news in dhulkaan la iibiyay oo ka kooban 19-boos ayaa kuyaala kasoo horjeeda xarunta Degmada Wardhiigley, waxaana wararka aan helnay sheegayaan in lacagta dhulka lagu iibiyay Mas’uuliyiinta kala duwan qeybsadeen.

Wararka ayaa sheegay in lacagta lagu iibisay dhulkan danta guud ay qeybsadeen, Farmaajo iyo Afadiisa, Gudoomiyaha gobolka, Gudoomiyaha Degmada Wardhiigley, Gudoomiye kuxigeenka Amniga , Agassimaha Dhulka, Agaasimaha Suuqyada iyo Taliyaha Saldhiga Boliiska Wardhiigley.

Ganacsatada dhulkan laga iibsaday oo ka wal walsan xaalada kala guurka ah ayaa ka codsaday maamulka gobolka iyo kan degmada in si deg deg ah dhulka loogu wareejiyo lagana bur buriyo dhismihii hore ee kawaanka iyo Suuqa xoolaha Wardhiigley.

Maamulka degmada ayaan shalay bilaabay in cagaf galiyaan dhulkan danta Guud ee la iibsaday xiligan kala guurka ah si loogu wareejiyo dhulkaasi ganacsatadii lacagta laga qaatay si ay u bixiyaan lacago kale oo wali ku harsan ganacsatada.

Degmada Wardhiigley ayaa waxaa ka socda dhul boob xoogan, waxaana horey buuq uga dhashay dhul danguud ah oo katirsan Suuqa Siinay oo boobayeen masuuliyiin katirsan maamulka Gobolka Banaadir iyo kan degmada Wardhiigley.

115590cookie-checkDhul Dan Guud ah Oo Ganacsato Laga Iibiyay