Dib u Dhac Ku Yimid Shirkii Wada Tashiga Doorashada Dadban

Somalia news

Waxaa Maanta lagu waday inuu qabsoomo Shirkii wada tashiga Qaran Ee Wasiirka 1-aad iyo Madaxda Gobolada, kaasoo loo qorsheeyay inuu ka dhaco Magaalada Mogadishu, isla markaasna ka doodaan Khilaafka Guddiyada Doorashada dadban ee Heer Federaalka iyo qodobo khuseeya Arrimaha Doorashada…

Balse ilaa hadda ma jiro Hogaamiye soo gaaray Caasimada, iyadoo sidoo kale Ra’iisul Wasaaradaha Dowladda Xil gaarsiinta uu safar shaqo ku jooga Magaalada Qaahira, dib u dhacaan ayaa ku soo hagaagay iyadoo ay soo shaac baxeen Khilaaf xoogan oo u dhaxeeyo Guddiyada Doorashada dadban ee heer Federaal, Kuna Aadan hab-raaca xulista Senatorada iyo Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka.

Inkastoo Xulista Senatorada ay soo dhameystireen Maamulada Puntland iyo Konfur galbeed, isla markaasna ay Maamulada Jubbaland iyo Galmudug ay soo saareen tiro Senatoro ah, waxaase weli shaqo bilaabin Maamulka Hir-Shabeelle iyo Wakiilada Gobolada Waqooyiga, inkastoo la og-yahay inuu sabab Khilaaf loo bilaabi la’yahay Xulista Senatorada.

Dhamaan Qodobada is mari waaga ka taagan yahay oo la filaayo in lagu xaliyo Kulankaan oo ka dhaci doona maamlaha soo socda Magaalada Mogadishu, iyadoo ay udub dhexaad u noqon doonto Kartida Xubnaha Ku wada jira Wada tashiga Qaran iney si daah furnaan ah uga heshiiyaan Khilaafka isla markaasna qabtaan Doorasho aan boob iyo sadbursi ku dhisneyn.

136280cookie-checkDib u Dhac Ku Yimid Shirkii Wada Tashiga Doorashada Dadban