Mab’da La’aanta Siyaasada Munaafiqeynta & Muufeysiga ku Dhisan Ee Qorqor

Somalia news

Dalka Somalia Dhibaatada Heysata Sanadahaan ayaa ah Koox Danley ah oo Siyaasadoodu ku dhisan tahay Munaafaqeynta iyo Muufeysiga, isuna arka iney muhiim u yihiin danaca dalaaliinima ku dhisan una kala dab qaada garabyada kala duwan kooxaha Siyaasada Somalia ku hardamaaya..

Warsidaha Diinah.com news ayaa dul istaageya gabidhacleynta iyo is-gadgadinta mowqifka siyaasadeed ee Axmed Qorqor 12-kii sano ee u dambeysay ahaa Hogaamiye kooxeedka una Xuud siibtay Horjooge Xakuma Degaanada Dowlad Goboleedka Galmudug, isagoo 90-kii ahaa Moryan dilal badan geystay, Sanadkii 2000 wixii ka dambeeyay u xuubsiibtay Gadisley Geedaha Canbaha jara kadibna Dhuxul ahaan u dhoofiya, wuxuu soo noqday Dilaal Kooxaha Burcad badeedka, isagoo lagu abaal mariyay in loo dalacsiiyo Agaasime kuxigeenka Dekada Mogadishu.

Maamulka Fashilmay ee Farmaajo ayaa u dalacsiiyay inuu Noqdo Wasiiro Dowle, waxaana loo xil saaray inuu Isbaaro u dhigto Maamulka Galmudug ee Axmed Ducaale (Xaaf), sidoo kale wuxuu si toos ah u maamulaa ilaa 7000 oo Maleeshiyaad beeshiisa ah kuwaasoo Farmaajo uu ku caburiyo Magaalada Mogadishu iyo Degaanada Gobolka Galguduud, isagoo dhaqaale joogta ah kaga qaataa Villa Somalia.

Qorqor ayaa la sheegaa inuu Hormuud u yahay Koox Aqoon-gaab ah (Illiterate) oo hortaagan iney Beelaha Habar gidir ay Saaxada Siyaasada Dalka ku yeeshaan Aqoonyahanno iyo Waxgaradka Dadka iyo degaanka Horumar gaarsiiya, “Ninka dila abeesee, ubadkeeda deystee, daajiyee rabbaystaa dib u qoomameeyee”.

Yeelkeede, Qorqor, nasiib darro kama mid noqon kooxaha Nabada u hiiliya, uguna baraarugay fidnada uu la soo hig lahaa Farmaajo, ee kali-talisnimada iyo kursi isku dhajintu ugu horreyso, wuxuuna si cad oo dano dhaqaale ku dhisan ku taageeray Farmaajo Fashilmay, Habdhaqanka Mr.Qorqor, ayaa xiligaan wuxuu ka turjumayaa in uusan lahayn siyaasad sal-fadhisa, iyo mabda’ adag, waxaana muddo kadib lagu baraarugay midibbada badan ee uu kula dhex jiro Saaxada siyaasadda ee ku dhisan dilaalnimo, wuxuu Magaalada shalay soo geliyay Moryaanka Saadiq John iyo Horjoogayaal kale oo la sheegay inuu culeys ku saaray sidii ay difaaci lahaayeen Farmaajo Galabkiisa Dhacay.

158940cookie-checkMab’da La’aanta Siyaasada Munaafiqeynta & Muufeysiga ku Dhisan Ee Qorqor