Horjooge Ka Tirsan Kooxda Shababka Oo La Dilay

Somalia news

Macluumad hordhac ah ayaa laga soo sheegaya howlgal lagu khaarijiyay Horjooge ka tirsan Kooxda Shababka oo si weyn caan uga ahaa degaanada Gobolada Bay iyo Bakool, kadib markii si kedis ah u dileen Xoogaga Amaanka Gobolka Bay…

Wararka ayaa sheegaya in Horjoogaha la dilay lagu magacaabi jiray Ibraahim Macallin Cabdi kuna magac dheeraa (Ibraahim Ganey), waxaana lagu dilay inta u dhaxeysa Degnaada Berdaale iyo Awdheegle ee Gobolka Bay, isagoo laga furtay qori Ak-47, Boosh maalin dagaal ah (5-khasnadood) iyo dukumentiyo kale.

Horjogahaan ayaa la sheegay inuu la socday mid ka mid ah Ilaaladiisa, kaasoo baxsaday kadib markii ay is-rasaaseynta ay bilaabatay, iyadoo wararka qaarkood ay sheegayaan in Maleeshiyo degaanka ay ka qeyb qaatay dilka Horjogahaan oo degaanka ka soo jeeday.

60610cookie-checkHorjooge Ka Tirsan Kooxda Shababka Oo La Dilay