Muruq-maal God Ku Soo Dumay

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Degmada Las-qoray ee Gobolka Sanaag ayaa sheegaya in dad Muruq maal ah oo nolol maalmeedkooda ka raadinaayay qodista god, ayaa la sheegay inuu ku soo dumay, waxaana la dhashay Khasaare nafeed…..

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in mashaqadaan ay ka dhacay degaanka Milxo oo ka tirsan degmada Las-qoray, iyadoo tiro Murug maal ah oo god ka qodaayay si ay u helaan Dahab ayaa ku soo dumay, waxaana ku geeriyooday hal iyadoo 2-kalena ay dhaawacyo culus ka soo gaareen, inkastoo la sheegay in xaaladoodu ay soo hagaageyso.

Goob jooge degaanka ah ayaa u sheegay Warsidaha Diinah.com news in degaanka buuraha ah ee Milxo ay godod ku yaal ay ka qotaan dad kor u dhaafaya ilaa 150- ruux kuwaasoo farsamadoodu ay hooseyso, waxaana looga digay dadkaan iney joojiyaan howlahaan oo naftooda aysan haligin.

60580cookie-checkMuruq-maal God Ku Soo Dumay