Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Kulanka Villa Somalia

Somalia news

Kulankii wada tashiga ahaa Ee u dhaxeeya u dhaxeeya Madaxweynaha Dowladda, Madaxweynayaasha dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ee looga hadlayo go’aan ka gaarista Doorashooyinka dalka ayaa maalintii labaad galay, iyadoo ay dood adag ka tahay Qodoboda qaarkood…

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in qodobo dhowr ah oo ka mid ahaa heshiiskii Dhuusamareeb-3 ee la doonayo in dib u eegis lagu sameeyo ay isku mari la’yihiin Madaxda.

Inkastoo kulankii shalay uu ahaa mid daah fur ah oo Madaxda isku weydaarsanayeen aragtidooda, lana isku waafaqay in la sameeyo tanaasul ayaa la sheegayaa in kulanka maanta uu yahay mid xasaasi ah.

Madaxda ayaa isku haya qodobadii ka soo baxay Shirkii Dhuusamareeb 3, waxaana Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo horay u qaadacay shirkaas qeybna ka aheyn ay doonayaan in qodobada dib u habeyn lagu sameeyo ama wax laga bedelo.

Qodobada doorashada ee doodda ugu adag ka taagan tahay ayaa ah cida maamuleysa doorashooyinka, maadaama heshiiskii Dhuusamareeb 3 uu awood siinayay Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka, hase ahaatee Maamul Goboleedyada, gaar ahaan Puntland iyo Jubbaland diidan yihiin, ayna dalbanayaan in la sameeyo Guddi kale oo heer dowlad goboleed iyo heer Federaal, si ay doorashooyinka u maamulaan.

Waxaa kaloo iyana doodda ka taagan yahay tirada ergooyinka wax dooraneysa oo horay u ahaa 306 Ergo, waxaana arrintan qaba in la dhimo inta badan maamul goboleedyada, iyadoo la eegayo duruufaha amni, waxaana jirta soo jeedin ku saabsan in ergada laga dhigo 101 -150.

Arrinta kale ee doodda ugu weyn ka taagan ayaa ah deegaanada la geynayo kuraasta ee ay ka dhacayaan doorashooyinka oo aan la isku raacsaneyn, waxaana Madaxtooyada ay u aragtaa qodobkan midka ugu muhiimsan, maadaama ay dooneyso in Gobolka Gedo oo aan iminka gacanta ugu jirin Maamulka Axmed Madoobe lagu soo doorto kuraasta Xildhibaannada.

60650cookie-checkWararkii Ugu Dambeeyay Ee Kulanka Villa Somalia