Howlgal Qorsheysan lagu soo Furtay Gaadiid iyo Dad Rayid ah oo u Xayirnaa Kooxda… 

Security Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Howlgal ay Fuliyeen Ciidamada Dowlada gaar ahaan Ururada 175-aad ee Guutada 17-aad Gorgor iyo 146-aad ee guutada 14-ka October oo ka dhan ahaa kooxda Argagixisada shabaabka saacadahii lasoo dhaafay degaano hoos taga Gobolka Shabeellaha Hoose…

Wararka ayaa sheegaya in Howlgalka ayaa Ciidamada waxay si gaar ah uga fuliyeen tuulada lagu magacaabo Gumeysidiid oo kooxdu ku laheyd baro koontarool, islamarkaana ay ku xayirnayeen Gaadiid iyo Dad Rayid ah iyagoo cagta mariyeen dhamaan barahii koontaroolada ee kooxdu argagixisadu ku dhibaateyn jirtay gaadiidka iyo dadka socotada ah.

Waxeyna Saraskiisha Howlgalada waday sheegeen iney sii wadi doonaan howlgalada noocaan oo kale ah oo ay uga hortagayaan dhibaatooyinka kooxdu ay ku hayaan gaadiidka iyo dadka shacabka ah ee ku safra wadooyinka Gobolka Shabeellaha Hoose.

360580cookie-checkHowlgal Qorsheysan lagu soo Furtay Gaadiid iyo Dad Rayid ah oo u Xayirnaa Kooxda… 
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *