Emarates oo Beenisay Wararka la Xiriira Halista Shil Diyaaradeed ku soo dhawaatay Ethiopian Airlines..

Somalia news

Maamulka Diyaaradaha Emirates ayaa beenisay wararka baraha bulshada lagu baahiyay ee la xiriira khatar Shil diyaaradeed oo u dhawaa iney isku dhacasn Diyaarad ka mid ah kuwa Ethiopian Airlines, sida uu xaqiijiyay Howlwadeenada Diyaarada goor dambe oo Arbacadii ah soo saareen Qoraal..

Afhayeen u hadlay Maamulka Emirates ayaa sheegay “Imaaraadku waxa ay xaqiijinayaan in aanay jirin wax khatar shil ku dhawaanshaha diyaaradeed la kulantay xili ay dul mareysay Hawada sare Somalia iyo intii Duulimaadka ay Diyaaradeeda ku jirtay taariikhda dhacdada la baahiyay, “Dhammaan diyaaradaha Emirates waxa ay ku qalabaysan yihiin awood si loo ilaaliyo kala fogaanshaha nabdoon iyo fogaanta inta lagu jiro duulimaadyada.”

Sida lagu baahiyay warar aan sal laheyn Barta Bulshada ee X ( hore twitter), Laanta Duulista Rayidka ah ee Maamulka Somaliland (CAA) in diyaaradda Emirates B777, ee duullimaadkeeda EK722, “ay si dirqi ah uga badbaadday isku dhac” iyada iyo diyaaradda Ethiopian Airlines B737 MAX, oo duulimaadkeedu ahaa ET690, falkasn ayeey ku sheegeen inuu dhacay Axadii 24-kii Bishaan.

317850cookie-checkEmarates oo Beenisay Wararka la Xiriira Halista Shil Diyaaradeed ku soo dhawaatay Ethiopian Airlines..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com