Qarax ka Dhacay Xeendaabka Dhismaha Safaaradda Israel ee India..

World

Faahfaahin ayaa laga soo sheegaya Qaraxa ayaa gelinkii dambe ee shalay ka dhacay meel u dhow Xarunta Safaaradda Israel ee New Delhi, iyadoo aysan jirin cid ka tirsan Shaqaalaha Safaaradda oo wax ku noqday qaraxaasi, waxaana goobta gaaray Xoogaga Amaanka…

Warbixino Amaan ayaa sheegay in goobta uu qaraxu ka dhacay oo ku taala Chanakyapuri, oo ah degaan bilic qurxoon oo ay ku badan yihiin Diblomaasiyiinta iyo Dadka hodanka ah ee Dalkaasi, Afhayeenka Safaaradda Israel, Guy Nir ayaa sheegay in qaraxu uu abaarihii 5:20pm ka dhacay nawaaxiga Xarunta Safaaradooda.

Bishii January ee sanadkii 2021 ayay ahayd, markii qarax uu ka dhacay xeendaabka Safaaradda Israel ee dalkaasi. Sarkaal xilligaasi u hadlay Israel ayaa sheegay in Israel ay qaraxaasi u qiimeynayso mid argagixiso.

Qaraxan ayaa imaanaya, xilli Israel ay heegan gelisay shaqaalaheeda iyo diblomaasiyiinteeda ku kala sugan daafaha caalamka, waana xilli ay kordhayaan weerarada Yahuud naceybka ah, ka dib markii Israel ay bilowday duulaankeeda Marinka Gaza.

295970cookie-checkQarax ka Dhacay Xeendaabka Dhismaha Safaaradda Israel ee India..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com